Tirada Guud Dhimashada Dhul-gariirkii Turkiga & Suuriya Oo Kor U Dhaaftay 4,kun.
Waxaa sare u kacay khasaarahii nafeed ee ka dhashay dhulgariirkii xoogganaa ee subaxnimadii hore shalay ku dhuftay qaybo ka mida dalalka Turkiga iyo Suuriya, kaas oo cabbirkiisu gaarayey illaa 7.8.
Tirakoobyadii u dambeeyey ayaa sheegay in tirada dhimashadu ay haatan kor u dhaaftay illaa 4,000 (Afar kun oo ruux), halka wadarta guud ee dadka ku dhaawacmana ay ka sare martay 20 kun (Labaatan kun oo qof).
Masuuliyiinta dalka Turkiga ayaa dhankooda sheegay in ugu yaraan 3,381, qof ay ku dhinteen dhulgariirka halka dhaawacuna uu gaarayo 20,426 ruux, sidoo kale warka soo baxay qolyaha gurmad deg dega ah ee Turkiga waxaa lagu sheegay in gabi ahaanba ay dumeen 5775 guri, halka waxleello ay soo gaartay 11, 302 oo dhismayaal ah.
Wararkii u dambeeyay ee dhanka Suuriya laga helayo ayaa xaqiijiyay in khasaaraha dhimasho uu imanka marayo 1,559 ruux sidoo kalena 3,648 qofna ay ku dhaawacmeen, sida lagu xusay tirakoob uu sameeyay guddiga difaaca madaniga ee Suuriya.
Sidoo kale guddiga wuxuu sheegay in 210 dhisme ay gebi ahaanba burburay, halka in ka badan 520 kale ay waxyeello xooggan soo gaartay.
Dhulgariirkan oo xudduntiisu ay ahayd meel u dhow deegaan dhaca xadbeeenaadka wadamadaTurkiga iyo Suuriya ayaa noqday kii ugu xumaa ee muddo ka badan 20 sano ku dhufta dalka Turkiga, waxaana xusid mudan in dhulgariir xooggan oo sannadkii 1999-kii ka dhacay woqooyi galbeed ee Turkiga uu sababay dhimashada dad gaaraya 17,000 illaa 18,000 oo qof.