Toogasho Ka Dhacday Dalka Mareykanka Iyo Khasaare Ka Dhashay.

Dalka Mareykanka gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Washington waxaa ka dhacay weerar toogasho ah oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay tabisay warbaahinta dalkaasi.

Shakadda NBC NEWS oo soo xiganaysa goob joogayaal ayaa ku warantay in nin hubeysan uu toogasho ka geystay gudaha Tareen ku sugnaa boosteejo dhulka hoostiisa marta oo ku taalla koonfur-bari ee magaalada Washington.

Taliyaha Booliska Washington D.C ayaa warfidiyeenada u xaqiijiyay in weerarkaan lagu dilay 1 ruux oo Ameerikaan ah sidoo kalena lagu dhaawacay 2 kale, Isagoo intaa raaciyay in la xiray ruux geystay toogashada.

Gudaha wadanka Mareykanka waxaa si joogto ah kaga dhaca weerarada hubeysan oo laayaan ah, tobobaadkii lasoo dhaafay oo kaliyah waxaa qeybo kamid ah dalkaasi ka dhacay in ka badan toban toogasho wadareedyo ah kuwaas oo ku dhawaad 50 ruux lagu dilay halka tiro intaasi ka badana ah ay ku dhaawacmeen.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.