Wararkii U Dambeeyay Khasaaraha Dhulgaariikii Ku Dhuftay Turkiga Iyo Suuriya

Waxaa daqiiqadba daqiiqadda ka dambeeysa isi soo taraya khasaare lixaad leh oo ka dhashay dhulgariirkii saaka ku dhufay dalalka Suuriya iyo Turkiga, kaas oo xoogiisa laga dareemay wadamo badan oo ka dhaca Mandhiqadda loo yaqaano Bariga dhexe.

Kooxda gurmadka degdegga ah ee dowladda Turkiga ayaa sheegtay in tirada dadkii ku dhintay musiibadaan ay kor u kacday iyadoona gaartay 1498 ruux halka dhaawucuna uu maraayo 8,533 qof oo kale, sidoo kale waa ku burburay kumanaan guryo ah iyo boqoollal kaabayaasha adeega dadweynaha ah.

Dhanka kale war kasoo baxay guddiga difaaca madaniga Suuriya ayaa lagu xaqiijayay in dhanka Suuriyada ay dhimashadu mareyso 830 qof iyo dhaawaca 3 kun oo kale.

Isku geynta wadarta guud dhimashada iyo dhaawaca ee labada dal ayaa waxay noqonaysaa 2328 ruux oo dhimasho ah iyo in ka badan 10-kun oo dhaawac ah.

Sidoo kale wadamada Ciraaq, Lubnaan iyo Falastiin ayaa laga soo sheegayaa khasaare nafeed oo ka dhashay dhulgariir-aan wallow wali faahfaahin dheeraad ah aan laheyn xaddiga uu la egyahay khasaarahaasi.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.