Waxaa Sii Kordhay Khasaarihii Dhulgariirkii Ku Dhuftay Dalalka Turkiga Iyo Suuriya.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa khasaarihii baaxadda lahaa ee saaka ayaa ka dhashay dhulgariir xooggan oo ku dhuftay gobollo katirsan wadamada Suuriya iyo Turkiga.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaacay in dhulgariirkii saaka aroortii ka dhacay gobolka Qaazi Centaab ee dhaca Koonfurta dalkaas ay ilaa iyo hadda ay ku dhinteen dad gaaraya 912 ruux halka ay ku dhaawacmeen 5383 kale.

Guddiga difaaca madaniga Suuriya ayaa war uu soo saaray ku sheegay dhanka Suuriyada ay tirada dhamashu gaartay 592,halka halka dhaawucuna uu caga-cageynayo 1508 ruux oo u badan barakacayaal ku dhaqan deegaannada dhaca xuduud beenaadka Suuriya iyo Turkiga.

Dhulgariirkan oo cabitkiisa lagu qiyaasay 7.8 ayaa saameyntiisa laga dareemay dalal badan oo dhaca mandiqadda loo yaqaano Bariga dhexe.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.