Weeraro Ka Dhacay NFD Iyo Faahfaahin Ka Soo Baxaysa Dagaallo Ka Dhacay Mudug

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay shalay galab weerar culus ku qaadeen fariisin ay askarta Kenya ku leeyihiin degaanka Dhamase oo hoostaga degmada Lafey ee gobalka Mandheera.

Sidoo kale saacadihii lasoo dhaafay waxay Mujaahidiintu weerareen fariisinka ciidanka Kenya ay leeyihiin degaanka Jabbi oo hoostaga degmada Raamo ee isla gobalka Mandheera ee dhulka Soomaaliyeed ee NFD.

Dhanka kale waxaa faahfaahin dheeraad ah laga helayaa dagaallo culus oo shalay ciidamada Al-Shabaab iyo kuwa DF ku dhexmaray duleedka degaanka Qaycad ee gobolka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Dagaaladan oo saacado badan qaatay ayaa lagu jebiyay ciidanka DF iyo kuwa Galmudug oo is garabsanayay waxaana dhabarka loo saaray khasaare lixaadleh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaaladaasi looga dilay DF ugu yaraan 10 isugu jira saraakiil iyo ciidan oo katirsana ciidanka uu Mareykanka soo tababartay ee Bangaraaf, halka 15 kalena ay ku dhaawacmeen.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.