117 Qof Oo Dhimasho & Dhaawac Ku Noqday Shil Tareen Oo Ka Dhacay Dalka Giriiga

Wararka laga helayo dalka Giriiga ayaa ku waramaya in khasaare baaxadleh oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur uu ka dhashay shil tareen oo ka dhacay bartamaha dalkaasi.

Shilka ayaa yimid kagadaal markii Tareen rakaab ah oo kasoo baxay magaalada caasimadda ah ee Athens kuna socday waqooyiga magaalada Thessaloniki uu si xawli ah ugu dhacay tareen xamuul ah, taas oo sababtay in dab uu ka kaco qeybta rakaabka ah islamarkaana ay dad badani ku gubtaan.

Shilkaan oo ka dhacay meel ka baxsan magaalada Larissa ee bartamaha dalka Giriiga ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 32 ruux iyo dhaawaca 85 kalena, sida ay xaqiijiyeen saraashiisha dab-damiska dalkaasi.

Waa shilkii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca dalka Giriiga muddo tobanaan sano ah waxaana la xasuusyaa in 19 qof ay ku dhinteen shil tareen oo isla aagaas ka dhacay sanadkii 1972.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.