7 Askari Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Weerar Maanta Ka Dhacay Muqdisho.

Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta barqadii weerar qorsheysan ku ekeeyay askar ka tirsan ciidanka dowladda Federalka, waxaana weerarka ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ciidankii ku sugnaa halka la weeraray

Weerarka oo ahaa mid kedis ah ayay Mujaahidiintu si gaar ah ula beegsadeen ciidan ku sugnaa goob ku taalla agagaarka isgoyska suuqa Bakaaraha ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday ugu yaraan 7 askari oo DF ah.

Sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah waxaa weerarka lagu dilay ugu yaraan 3 askari oo katirsanaa ciidanka dowladda halka 4-kalena ay dhaawacyo kale kuwan ku noqdeen.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.