8 Ruux Oo Ku Geeriyooday Roobab Xooggan Oo Da’ay Degmada Baardheere.

Roob saacadihii la soo dhaafay si xiriir ah uga da’ayay degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxaa ka dhashay daadad ku soo rogmaday qaar kamid ah xaafadaha degmadaasi, kuwaas oo sababay khasaare dhimasho oo soo gaatay ku dhawaad 10 ruux.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Baardheere ayaa sheegay in daadad iyo Fatahaad uu sameeyay Wabiga Jubba roobka kadib ay sababeen dhimada dad gaaraya 8 ruux oo ay ku jiraan 3 qof oo isku qoys ah oo kala ah hooyo iyo labo carruur ay dhashay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in qaar kamid ah dadka kunool degmada Baardheere ay billaabeen inay guryahooda ka barakacaan kadib markii ay biyo ugu soo galeen, waxaana sidoo kale kala xiran xaafadaha qaar oo aan leysugu gudbi karin.

Dhawaan ay aheyd markii ku dhawaad 10 qof ay ku geeriyoodeen Tog biyeed ku yaalla gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Tani waxay ku soo aadeysa xili saacadihii la soo dhaafay roobab lagu diirsaday islamarkaana waxyeello geystay ay ka da’een magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud iyo degaano katirsan gobolka Shabellaha Dhexe.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.