Abuu Muscab: “51 Askari ayay Mujaahidiintu Ku Dileen Weerarkii Saaka Ee Sh/Dhexe”
Taliska ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa faahfaahin dheeraad ah ka soo saaray khasaaraha ka dhashay weerarkii saaka lagu xasmiyay fariismayaashii ciidanka DF ee Gor-gor ee degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Warka qoraal ah oo ka soo baxay taliska Majaahiddinta Al-Shabaab ayaa lagu xaqiijiyay in weerarka lagu dilay 51 ka tirsanaa ciidanka Gorgor, kuwaas oo isugu jira saraakiil iyo askar, waxaana sidoo kale lagu sheegay in dhamaan gaadiidkii ciidanka DF ee yaallay xerada la weeraray oo ka kobnaa 9 gaari la gubay 8 kamid ah halka midka kalena la soo furtay.
“Khasaaraha dhimasho ee cadawga kasoo gaaray weerarka ay Mujaahidiintu ku qaadeen saldhiga murtadiinta ee degmada Ruunirgood waa 51 dhimasho ah oo soo gaartay ciidamada Turkigu ku shaqaysto ee loogu yeero Gorgor, kuwaas oo iskugu jira saraakiil iyo askar. Dhamaan gaadiidkii murtadiinta u yaallay saldhiga oo ay tiradiisu ahayd 9 gaari 8 kamid ah dagaalka ayaa lagu gubay, halka mid kamid ahna lasoo qaniimaystay” ayuu yiri Sh.Abuu Muscab Afhayeenka ciidanka Al-Shabaab.
Waa weerarkii ugu horreeyay ee Al Shabaab ay ku soo afjaraan saldhig ciidanka DF ay ku leeyihiin koonfurta dalka Soomaaliya tan iyo markiii ay bilatay bisha barakeysan ee Ramadaan oo ah bil ay ciidamada Mujaadihiinta sare uqaadaan weerarada jihaadiga ah ee ka dhanka ah ciidamada shisheeye ee duullaanka ku jooga dalka iyo iyo maleeshiyaadka Soomaalida ah ee garabka ku siiya duullaankooda shareeco la dagaalanka ah.