Al-Shabaab Oo Baahiyay Sawirrada Weerarkii Dhawaan Ka Dhacay Degaanka Daaru-nicma
Mu’asasada Al-kataa’ib garabka warbaahineed ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa goordhow baahisay sawirrada weerarkii dhawaan ka dhacay degaanka Daaru-nicma ee gobolka Shabeellaha Dhese, kaas oo lagu laayay ciidamada DF iyo maleeshiyaadka Macawisleyda loo yaqaano.
Sawirrada oo si aad ah ugu faafay baraha Internet-ka ayaa lagu arkayay ciidamada Mujaahiidiinta oo Jihooyin kala duwan uga daadanaya difaacyada saldhigga ciidanka ee Daaru-nicma. Sidoo kale waxaa sawirrada lagu daawan karaa meydadka ciidanka DF iyo maleeshiyaadka Macawislayda oo daadsan gudaha iyo hareeraha saldhigga la weeraray.
Waxaa intaasi dheer oo lagu arkayaa sawirrada la baahiyay ciidamada Majaahidiinta oo la wareegay gaadiid, hub iyo saanad kale oo ciidan.
Weerarkaan oo dhawaan ka dhacay degaanka Daaru-nicma ayaa inta la xaqijiyay xilikaasi waxaa lagu dilay ku dhawaad 30 xubnood oo isugu jirtay saraakiil iyo askar halka lagu dhaawacay 17 kale, kuwaas oo u badnaa maleeshiyaadka Macawisleyda laga abaabulay gobolka Sh/Dhexe.
Hoos ka daawo sawirrada oo dhameystiran