Sh. Cabdicasiis Abuu Muscab Oo Ka Warbixiyay Weerarkii Saaka ee Degmada Ruun-Nirgood.
Taliska ciidanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa warsaxaafadeed horudhac ah ka soo saaray weerarkii saaka ay Mujaahidiintu ku soo afjareen saldhigyadii ciidanka Gor-gor ee degmada Ruun-Nirgood islamarkaana ay si buuxa kula wareegeen gacan ku haynta degmadaasi.
Warsaxaafaadadkaan oo uu ku saxiixnaa afhayeenka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, Sh. C/Casiis Abuu Muscad ayaa lagu faahfaahiyay qaabkii uu ka dhacay weerarka ay ciidankooda kula jarmaadeen saldhigyada Gor-gor ee duleedka Ruun-Nirgood, waxaana lagu xaqiijiyay in uu jiro khaasare dhimasho iyo dhaawac farabadan oo soo gaaray askarta DF ee Gorgor.
Sidoo kale waxaa lagu xusay in ciidamada Mujaahidiinta ay gacanta ku dhigeen dhamaan gaadiidkii ciidan, hub iyo saanad milatari ee ciidanka DF u yaallay xeryaha cagta la mariyay.
Hooos ka Aqriso warsaxafadeedka oo sidiisa u qoran:-
“Ciidamada Mujaahidiintu waxay saakay oo Sabti ah, 3-da bisha Ramadaan 1444H, weerar xooggan ku qaadeen saldhiga maleeshiyada ridada ah ay dhawaan ka samaysteen degmada Ruunirgood ee wilaayada Shabeellaha Dhexe. Weerarka oo billawday salaada Fajarka kadib waxaa ay ciidamada Mujaahidiintu dhawr jiho ka weerareen fariisimayaasha cadawga ee degmada Ruunirgood, waxaana Allaah mahadiis dagaal xooggan kadib ciidamada difaaca shareecada Islaamka u suurtagashay inay jebiyaan maleeshiyadii ridada. Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac farabadan oo soo gaaray cadawga Islaamka ee murtadiinta ah, sidoo kale waxay Mujaahidiintu gacanta ku dhigeen dhamaan gaadiidkii ciidan, hub iyo saanad milatari, ee murtadiintaas u yaallay degmada Ruunirgood. Wixii faahfaahin ah ee kusoo kordha dib ayaan kasoo gudbin doonaa Insha-Allaah”
Waxaa xusid mudan in ciidanka Gor-gor ee saaka lagu laayay weerarka ay dhawaan degmada Ruun-Nirgood soo gaareen iyadoona duleedka degmada ka sameysay fariismayaalsha saaka lagu weeraray.