Al-Shabaab Oo Weerar Khasaare Geystay Ka Fuliyay Gobollada Hiiraan Iyo Galgaduud.

Tafaasiir dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa weeraro maanta ka dhacay qeybo kamid ah gobollo dhaca bartamaha dalka Soomaaliya, kuwaas oo khasaare lagu gaarsiiyay askar ka tirsan DF iyo maleeshiyaadka Macawisleyda loo yaqaano.

Ciidamada Guutada qaraxyada ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa laba qarax ka fuliyay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan iyo degmada Ceeldheer ee wilaayada Galgaduud, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Qaraxa 1-aad ayaa lala eegtay goob ay ku qayilayeen maleeshiyaat ka tirsan Macawisleyda Hiiraan oo ku taalla bariga magaalada Beledweyne, sida aan xogta ku helnay waxaa qaraxaasi ku naf waayay 3 askari oo Macawisley ah halka 7kalena ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa 2-aad oo isna ka dhacay degmada Ceeldheer ayaa waxaa lagu gubay gaari nuuca Ambalaasta ah oo ciidamada DF ay leeyihiin, waxaana inta xaqiijiyay ku dhaawacmay darawalkii ka ceynayay gaariga la beegsaday.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.