Al-Shabaab Oo Weeraro Ku Qaaday Saldhigyo Shisheeyuhu Ku Leeyihiin Koonfurta dalka Iyo Dhulka NFD.
Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay iyo maanta weeraro isugu jira duqeyn iyo kuwa toos ah waxay ka fuliyeen degaanno ay askarta shisheeye kaga sugan yihiin koonfurta dalka Soomaaliya iyo dhulka Soomaaliyeed ee NFD ay Kenya xoogga ku haysato.
Wararka naga soo gaara gobolka Mandheera waxay sheegataan in goordhow ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay weerar toos ah ku qaadeen fariisin askarta Kenya ku leeyihiin degaanka Dhamase oo hoostaga degmada Lafey ee gobalka Mandheera ee dhulka N.F.D.
Sidoo kale Kenyaaati haysata degaanka Hoosingow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa xalay lagu miray weerar culus, dagaalyahanada Al-Shabaab ayaana xerada Kenyaanka ku garaacay garneelada garabka laga tuuro.
Dhanka kale isla xalay ciidamada guutada jugta ee ka howlgala wilaayada Hiiraan ayaa weerar loo adeegsaday madaafiic ku garaacay Jabuutiyaanka haysta degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.
Goob joogayaal ayaa ku waranmay in xalay ay maqlayeen jugta tiro gantaallo ah oo ku hoobanaya xerada ciidanka Jabuuti ee degmadaasi. Ilaa iyo iminka wax faaahfaahin ah kama aanan helin khasaaraha Jabuutiyaanka ku gaaray weerarka duqeynta ah ee lagu beegsaday.