Askar Ka Tirsan DF Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Qarax Ka Dhacay Afgooye
Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in askar ka tirsan ciidanka dowladda Federalka ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qarax ka dhacay gudaha degmada Afgooye ee gobolkaasi.
Guutada qaraxyada ee Xarakada Al-Shabaab ayaa qarax culus ku weerartay goob ay askarta DF ku isticmaalayeen maandooriyaha Xashiishka, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare nafeed oo soo gaaray ciidankii goobta ku sugnaa.
Sida aan wararka hordhaca ah ku helnay ugu yaraan 3 askari oo DF ah ayaa qaraxaasi ku naf waayay halka 2 kalena ay ku noqdeen dhaawacyo kale duwan.