DEG-DEG: Al-Kataa’ib Oo Baahisay Sawirrada Weerarkii Saaka ee D/Baar-Sanguuni.

Mu’asasada Alkataa’ib ayaa goor dhow baraha Internet-ka ku baahisay sawiradda weerarkii saaka ay ciidamada Mujaahidiintu cagta ku mariyeen saldhigga ciidanka DF iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin degaanka Baar-sanguuni ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Weerarkaan oo lagu dilay 27 askari oo 5 kamid ah ay saraakiil yihiin ayaa sawirrada goobta dagaalka la soo qaaday waxaa lagu arkayay dagaalyahanada Al-Shabaab oo dagaal xooggan kadib si buuxda kula wareegay saldhigga Baar-sanguuni, islamarkaana raayada Towxiidka ka taagay bartamaha saldhigga ay qabsadeen.

Sidoo kale waxaa sawirradda lagu daawan karaa meydadka ciidamada DF oo bilqan gudaha iyo daafaha saldhigga la xasmiyay iyo ciidamada Mujaahidiinta oo dab qabadsiiyay teendhooyinkii iyo difaacyadii ay ciidanka DF ka sameysteen gudaha saldhigga ka hor inta aysan halkaasi isaga bixin. Sidoo kale Kaamirada Al-Kataa’ib ayaa soo qabatay ciidamada Mujaahidiinta oo halkaasi ka rartay sanaadiiq rasaas ah oo gudaha saldhagga ay askarta DF uga carareen.

Halkaan ka daawo sawirrada oo Winrar ah.
                Ama
Hoos ka daawo sawirrada

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.