DEG-DEG: Sarkaal Sare Oo Ka Tirsanaa NISA Oo Lagu Khaarijiyay Muqdisho.

Howlgal fariid ah oo ciidamada Xarakada Al-Shabaab ay barqanimadii maanta ka fuliyeen degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa lagu dilay sarkaal sare oo katirsan ciidamada Sirdoonka DF.

Rag hubeysan oo katirsan Amniyaadka Al-Shabaab ayaa xaafadda Soonakey ku toogtay Xaashi Maxamed Macalin oo ahaa gaashaanle sare oo ka mid ahaa hay’adda NISA ee sirdoonka dowladda Federaalka.

Raggii fuliyay howgalka khaarijinta ah ayaa si nabad galyo ah kaga dhaqaaqay halka ay toogashada ka geysteen, iyadoo horay u sii qaaray Biskoolad uu hubeysaa sarkaalka ay nafta dhaafsiiyeen.

Mahan markii ugu horeysay oo caasimadda Muqdisho lagu toogto saraakiil sirdoon, ciidamada Mujaahidiinta ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaana marar badan halkaasi ka fuliyay howlgallo si gaar ah loogu ugaar saday xubno sare oo katirsan hay’ada NISA islamarkaana si gaar ula shaqeynayay sirdoonka Mareykanka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.