Dhegeyso Afhayeenka Dhanka Ciidamada ee Alshabaab oo ka hadlay dagaalki Ruun nirgood.
Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa ka warbixisay Dagaal Saaka ay ku qaaday Ciidamada Dowladda federaalka qaarkood gaar ahaana kuwa la yiraahdo Gor gor oo Fariisin ku lahaa Degmada Ruun Nirgood ee Gobalka Shabeelaha dhexe.
Afhayeenka Dhanka Ciidamada ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab oo la hadlay Warbaahinta Islaamiga ah ayaa xaqiijiyay in weerar aroorti ay ku qaadeen Ciidanka Ruun nirgood fadhiyay ayna ka dileen 51 Askeri ayna ka gubeen 8 gaari midna ay soo wateen saanad ciidana ay goobta ka haleen.
Afhayeenku waxa uu u mahad celiyay Ciidamada Mujaahidiinta ah ee joogtayna weerarada ka dhanka ah Dowladda Federalka ah iyo shisheeyaha taageeraya.
Guud ahaan Dadka Muslimiinta ah ayuu ugu baaqay in ay Mujaahidiinta is garab taagaan si gaar ahna reer shabeelaha dhexe ayuu baaq qota dheer oo arinkaa la xariira u diray.