Dhegeyso Waaliga Baay oo ka hadlay Biya Xireenka Soomaaliya ugu weyn ee laga hir geliyay Buulo fullaay.
Waaliga Wilaayada Baay Sheekh Xamza Abuu Jacfar ayaa wareysi uu bixiyay waxa uu kaga hadlay Biyo Xireenka Soomaaliya ugu weyn hadaanuuba Afrika ugu weyneyn oo laga hir geliyay Duleedka Magaalada Buulo Fullaay ee Gobalka Baay waxaanuu sheegay in biyahaas iminka magaalada la gelinayo maadaama horay Magaalada Ceel biyo macaan leh looga waayay oo war uun ay ku tiirsaneyd.
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa mudda sii horeysay qoday Biyo Xireenkaan oo dadka Deeganku weynanakiisa la yaabeen aadna u soo dhaweyeen
Waaliga Wilaayada islaamiga ah ee Baay oo ay Wareysatay Idaacadda ku hadasha Afka Alshabaab ee Al aandalus Sidoo kale waxa uu ka hadlay arimo la xariira wax Barashada Dhanka Diinta Islaamka ee Bulshadu ka faa iideysanayso.
ugu dambeyn waxa uu Umadda Soomaaliyeed ee lagu soo duulay ugu baaqay in ay Jihaad u istaagto siay Shisheeyaha iska kiciso.