duqeyn iyo weerar ka kala dhacay Hiiraan iyo Bakool

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa Xalay waxay weeraro  ka kala fuliyeen Gobalkada Hiiraan iyo Bakool kuwaasoo midna madaafiic loo adeegsaday kan kalena uu fool ka fool ahaa.

Madaafiic ayaa lagu garaacay Xarun Ciidanka Dowladda Federaalku ku leeyihiin Deegaanka Baardheere ee Duleed Maagaalada Beledweyne.

faah faahin dheeraad ah kama helin wixii khasaare ah ah ee Ciidamada la duqeeyay halkaa ku gaaray waxaana madaafiicda laga maqlayay meelo ka fog halka duqeyntu ka dhacday.

dhinaca Bakool Ciidamada Maamulka Koofur Galbeed ayaa xalay lagu weeraray Magaalada Waajid waxaana in mudda ah halkaa kka socday dagaal hub kala duwan la isku weydaarsaday.

 

Ciidamada Alshaabab ayaa weeraray Ciidankaan oo garab iyo gaashaan u ah Ciidanka Itooobiya ee Waajid ku sugan.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.