Ergay Muqisho Lagu Dilay Iyo Weerar Lagu Dhaawacay Saraakiil Sirdoon.

Howlgal gaar ah oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa lagu khaarijiyay xubin ka tirsanaa Ergada soo xushay Xildhibaanada Baarlamaanka DF Soomaaliya.

Rag hubeysan oo ka tirsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa degmada Kaaraan ku dilay Cabdulle Cadow Afrax (Waweyne) oo ka mid ahaa Ergada maamulka Hirshabelle, sidoo kalana ahaa Abaabule macawiisleyda gobolka Sh/Dhexe.

Isla magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay laba qarax oo lagu weeraray guri ay degmada Dayniile kaga sugnaayeen taliyaha sirdoonka DF ee Dayniile, Cabdiraxman Cali Waqooyi iyo taliyihii hore ee sirdoonka degmadaas, Cumar Cabdi Fiidow.

Sida la xaqiijiyay labada Taliye ayaa ku dhaawacmay weerarka qaraxa ah ee lagu beegsaday halka ay ku sugan yihiin sidoo kale waxaa isla goobta ku dhaawacamay 2 askari oo ilaaladooda kamid ah.

Ciidamada gaarka ah ee Xarakada Al-Shabaab ayaa magaalada Muqdisho ka wada howlgallo ka dhanka ah saraakiisha ciidamada DF si gaar ah kuwa Jawaasiista ah ee ka tirsan hay’adda sirdoonka DF ee NISA.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.