Faahfaahin: In Ka Badan 30 Ruux Oo Ku Dhimatay Dalka Hindiya.
Ugu yaraan 35 ruux ayaa ku dhintay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii tobanaan qof ay ku daateen ceel ku yaalla gobolka Madhya Pradesh ee bartamaha dalka Hindiya.
Saraakiisha maxalliga ah ee gobolkaasi ayaa sheegay in 35 meyd ah laga helay gudaha ceelka sidoo kalena ilaa 18 qof oo kale la soo badbaadiyay oo laga soo saaray ceelka gudihiisa oo ay dadku ku dhaceen xilli ay biyo ka dhaansanayeen.
Wakaaladda wararka ee AP oo soo xiganaysa saraakiisha gurmadka ayaa ku warantay in ilaa iyo hadda la xaqiijiyay 16 qof oo qaba dhaawacyo kale duwan.
Dhacdadaan ayaa timid dib markii uu dumay agab lagu daboolay ceelka uu leeyahay macbad dadka Hunduuska ah ay sanad waliba ku gutaan cibaadada baadilka ah oo ku yaalla magaalada Indore ee gobolka Madhya Pradesh ee bartamaha dalka Hindiya