Faahfaahin: Khasaaraha Ka Dhashay Weeraradii Xalay Ka Dhacay Degmada Baardheere.
Tafaasiir dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ay geysteen weeraradii xalay ay ciidamada Al-Shabaab ku qaadeen ilaa 3 xarun oo ku yaalla gudaha magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ee koonfur galbeed dalka Soomaaliya
Sida ay tilmaamayaan xogaha aan helnay ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay weeraradaas gaar ahaan kan lagu beegsaday xerada IDC-da oo lagu tababarayay ciidan. Askariga dhintay oo kamid ah askartii taba barka ku jirtay ayaa lagu magacaabi jiray Indho-Cakood.
Sidoo kale waxaa isla weerarkaasi ku dhaawacmay 4 askari kale oo 2 kamid ah ay yihiin macallimiintii tababarka bixinayay, kuwaas oo lagu kala magacaabo Maaq-maaq iyo Aadan-Waal, halka 2-da kalena ay kamid ahaayeen askartii tababarka qaadaneysay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Mujaahidiinta ay qaraxyo iyo bambaanooyin ku bur buriyeen qeybo kamid ah xerada IDC-da ee tababarta uga socday ciidanka DF .
Weeraradii kale ee lagu beegsaday xerada ciidanka Xabashida Itoobiya iyo tan Baraxow wax faahfaahin ah lagama helin khasaaraha ay geysteen illaa iminka.