Howlgal Lagu Dilay Nin Ka Ganacsan Jiray Daroogada Oo Ka Dhacay Duleedka Xamar.
Ciidamada gaar ah ee Xarakada Al-Shabaab ayaa xalay howlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen duleedka magaalada Muqdisho waxay ku khaarijiyeen ka mid ah horjoogayaasha ka ganacsada daroogada nuucaydeeda kala duwan.
Horjoogahaan la dilay oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Cadow ayaa daroogada soo galin jiray magaalada Muqdisho waxaana horay looga burburiyay goobtii uu daroogada ku iibinayay oo ku taallay degaanka Lafoole.
War ka soo baxay Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu yiri: ” Ninkan oo Mujaahidiintu ay ku daba jireen ayaa waxaa horay looga burburiyay goobtii uu daroogada ku iibinayay balse dib ayuu u furay xalayna isla goobtiisa ayaa lagu dilay isagoo hubeysan”.
Maalmo ka horay ayay ahayd markii ciidamada Al-Shabaab ay qarax xooggan ku burburiyeen mid kamida keydadka waaweyn ee daroogada nuucyadeeda kala duwan lagu hayay, taas oo uu horjoogaan la khaarijiyay ku lahaa degaanka Lafoole oo dhanka galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muaqdisho.