Howlgallo Saraakiil Lagu Dilay Oo Xalay Ka Kala Dhacay Gobollada Baay & Banaadir.

Howlgallo qarshaysan oo lagu beegsaday saraakiil sare oo ka tirsanaa maamulka Koonfur-galbeed ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay si yaabo kala duwan uga kala dhaceen degmooyin ka tirsan gobollada Baay iyo Banaadir ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa ku waramaya in xalay rag hubeysan oo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Xarakada Al-Shabaab ay gudaha magaaladaasi ku toogteen Diyaar C/raxmaan oo ahaa taliyihii ammaanka degmada Bardaale.

Sarkaalkaan la khaarijiyay oo katirsanaa maamulka Koonfur-galbeed ayaa xiriir dhow lalahaa Xabashida Itoobiya, isagoona taliye usoo noqday maleeshiyaad carratuur u ahaa Xabashida heysta degmada Bardaale.

Dhanka gobolka Banaadir howlgal gaar ah oo ka dhacay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ayaa lagu dilay C/qaadir Aadan Maye oo ku magacaawnaa guddoomiyaha deegaanka Marya Gubaay.

C/qaadir ayaa sidoo kale kamid ahaa sirdoonka maamulka Koonfur-galbeed, wuxuuna maalmihii u dambeeyay degmada Baraawe ka waday abaabul Macaawisley laga sameeyo Baraawe.

Wararka ayaa intaasi ku daraya  in sarkaalkaan maalmo ka hor diyaarad loogasoo qaaday magaalada Baraawe waxaana laqorshaynayay in uu taliye u noqday maleeshiyaad Muqdisho laga abaabulayay,.

Hasa-ahaatee ciidamada Mujaahidiinta oo si dhow ula socday dhaqdhaqaaqiisa ayaa xalay dhegta dhiiga ugu daray howlgal fariid ah oo ay ka fuliyeen gudaha degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Xarakada Majaahidiinta Al-Shabaab ayaa ugaarsi gaar ah ku heysa saraakiisha xiriirka dhow laleh dowladaha shisheeye ee duulaanka Shareeco la dirirka ah ku soo qaaday dhulka Muslimka ah ee Soomaaliyeed

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.