In Ka Badan 30 Xubnood Oo Dhimasho & Dhaawac Ku Noqday Camaliyaddii Maanta Ka Dhacay Magaalada Baardheere Ee Gobalka Gedo.(Sawirro)
Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Camaliyaddii Istish-haadiyada aheyd ee saakay ka dhacday Magaalada Baardheere ee gobalka Gedo.
13 Askari oo kamid ahaa ilaalada Masuuliyiintii saakay lala beegsaday Camaliyadda Istish-haadiyada ah ayaa ku dhintay weerarkii Nafhurnimo ee ay Mujaahidiinta ku beegsadeen guri ay ku shirayeen Masuuliyiin ka kala tirsan DF iyo Maamulka Jubbaland oo ku yaalla Magaalada Baardheere ee gobalka Gedo.
Waxaa sidoo kale Camaliyaddaas ku dhaawacmay 20 xubnood oo isugu jira Askar, Masuuliyiin iyo Saraakiil ciidan, waxaana Masuuliyiinta iyo saraakiisha aan magacyadooda helnay ee ku dhaawacmay Camaliyadda kamid ah:
1-C/rashiid Janan oo ah Wasiirkii hore ee Amniga Maamulka Jubbanad.
2-Axmed Buulle Gareed oo ah gudoomiyaha gobalka Gedo ugu magacaaban DF, waxaana soo gaaray dhaawac culus.
3-Axmed Cabdulaahi Xirsi oo ah Abaanduulaha qeybta 43-aad ee DF ee goballada Gedo & Jubooyinka.
4-Maxamed Dheere oo ahaa Masuulka ciidan uu hadda tababar usocday.
5-Cabdullaahi Baqti waa nin sarkaal ah waa dhaawac culus waana sarkaal Mujaahidiinta muddo ku daba jireen.
Markii camaliyadda dhacday saraakiisha badankooda daaqadaha ayey ka boodeen
Illaa 20 madfac ayaa sidoo kale ku hoobtay guriga lala beegsaday Camaliyadda Istish-haadiyada ah.
Waxaa suuragal ah in khasaaraha dhimasho iyo kan dhaawac uu intaas ka bato, maadaama wali bur burka dhismaha hoostiisa laga baadi goobayo meydad ama dhaawacyo hor leh.
Hoos ka daawo sawirro muujinaya bur burka ka dhashay Camaliyadda Nafhurnimada ah.