Iska hor-imaad u Dhaxeeyay ciidamo DF Ah Oo Ka Dhacay Gobalka Baay.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay iska hor-imaad culus oo ciidamo kawada tirsan DF ku dhexmaray gobalka Baay ee koonfur galbeed dalka Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya degmada Bardaale ayaa ku waramaya halkaas uu ka dhacay iska hor-imaad hubeysan oo salka ku haayay is qabqabsi dhanka maamulka ah oo u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan 2 guddoomiye oo midba uu sheeganayo in uu yahay kan saxda ah ee maamula degmaasi.
Inta la xaqiijiyay waxaa isku dhacaan ku nafwaayay ugu 4 askari oo ka mid ahaa dablaydii halkaasi ku dagaamallay halka illaa 10 kalena ay ku dhaawacmeen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in gudaha degmada Bardaale ka jirto xaalad kacsanaan ah islamarkaana ay wali ka taagan tahay xiisaddii u dhaxeeyay dhinacyadii halkaasi ku dagaamallay.
Iska hor-imaad u dhaxeeya ciidamada ka wada tirsan DF ayaa wax iska caadi ah ka ah goobaha ay ka taliso dowladda Federaalka iyo kuwa maamullada uu shisheeyuhu Soomaaliya ka dhisay, kuwaas oo sababa khasaarooyin naf iyo maalba leh oo soo gaara dabalay dirirtay iyo dadka shacabka ah ee ku dhaqan goobaha lagu dagaalamo.