Ku dhawaad 10 Ka Tirsan Ciidanka Jubbaland Oo Lagu Dilay Dagaal Ka Dhacay Duleedka Kismaayo.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ciidamada maamulka Jubbaland lagu gaarsiiyay dagaal maanta ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ka imaanaya degaanka Qaam-qaam ee dhaca duleedka Kismaayo ayaa tilmaamaya in ugu yaraan 12 askari oo Jubbaland ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dagaal lagu jebiyay oo ka dhacay tuulo hoostaga degaankaasi.

Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dagaal culus kala hortegay askarta Jubbaland oo dhaqdhaqaaq ciidan ka waday tuulada lagu magacaabo Qoxareey, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal qaatay saacado dhowr ah, kaas oo ugu dambeyn ku dhamaatay guul daro dhabarka loo saaray ciidanka maamulka uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

Waraka hordhaca ah ayaa xaqiijinaya in dagaalkaas lagu dilay 7 askari oo katirsanaa maamulka Jubbaland, halka lagu dhaawacay 5 kale. Waxaana suuro gal ah in khasaaruhu intaa ka badan yahay. (https://www.bottomlineequipment.com)

Dagaalkaan ayaa imaanaya xili magaalada Kismaayo ay ku sugan yihiin madax katirsan dowladda Federaalka oo uu hogaaminayay madaxweynaha DF, Xasan Gurguurte oo shalay soo gaaray magaaladaasi.

You might also like
1 Comment
  1. Shooter yare says

    Cawaanta waalidkood ayaa dayacay. Waa lamarin habaabiyey. Waxas lagu soo khalday khaajid baa ladaalamasaan.xaqiiadu waa ayaagaa khawaajid ah. Xaqiiqdu waa ayaa gaalku ku gabanayaa.
    Xaqiiqdu waa ayaa 100 dollar udhintay.

Leave A Reply

Your email address will not be published.