Maktabka Qadaha Ee XSHM Oo Ku Dhawaaqay In Barri La Dhamaystirayo Shacbaan.
War rasmi ah oo kasoo baxay maktabka qadaha ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu sheegay in berri oo Arboco ah la dhameystirayo bisha Shacbaan 1444, kowda bisha Ramadaan ay tahay maalinta Khamiista ah.
“Kadib Baaritaan dheer oo uu maktabka Qadaha Shabaabul Mujaahidiin ka sameeyay wilaayaadka islaamiga ah ee dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaa adkaatay in la arko bisha Ramadaan, sidaas darteed, berri oo Arboco ah waxaa la dhamaystirayaa bisha Shacbaan 1444, kowda bisha Ramadaan waxay noqoneysaa maalinta Khamiista ah” Ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay maktabka qadaha Xarakada Al-Shabaab.
Inta badan wadamada carbeed ayaa sidaan oo kale looga dhawaaqay in maalinta birri oo Arbaco ah ay tahay dhamaystirayaa bisha Shacbaan maalinnimada xigta oo Khamiis ahna ay tahay kowda bisha barakeysan ee Ramadaan.