Maxbuus Kasoo Jeeda Dhulka Xarameynka Oo 21 Sano Kadib Laga Sii Daayay Xasbiga Guwantanamo.(Warbixin)

Dowladda Mareykanka ayaa wali ku dadaaleysa tallaaboyinka ay ku dooneyso iney albaabada isugu dhifato xabsiga sumcadda xun ee Guwantanamo Bey, kaas oo ay in muddo ah ku dhibaateyneysay boqallaal ruux oo Muslimiin ah.

Dad badan oo isugu jira Mujaahidiin iyo caamada Muslimiinta ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay waxaa laga sii deynayay xabsigaan fadeexadda ku caab baxay ee ku yaalla gacanka Cuba, waxayna wararku tibaaxayaan in maxbuus hor leh oo u dhashay dalka Sucuudiga ay dowladda Mareykanka kasii deysay xabsigaas.

Madaxda dowladda Mareykanka ayaa shaaciyay in xabsiga laga sii daayay Injeer Sucuudiyaan ah oo Mareykanka u xirnaa muddo 21 sano ah, kuna jiray xabsiga ku fadeexadda ku caan baxay ee Guwantanamo, waxaana ninkaan loo heystay inuu ku lug lahaa weeraradii 11-kii Sebtember ee sannadkii 2001-dii ka dhacay gudaha dalka Mareykanka.

War-Saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda difaaca Mareykanka ee Pengtagonka ayaa lagu sheegay, in maxbuuska laga sii daayay xabsiga Guwantanamo uu yahay Qassaan Cabdullaahi Al-Shirbi oo 48 sano jir ah, kaas oo bishii Maarso ee sannadkii 2002-da laga soo qabtay Magaalada Feysal Abad ee dalka Bakistan, isaga iyo xubin kale oo katirsan Mujaahidiinta Al-Qaacida, sida lagu sheegay warsafadeedka waaxda difaaca ee Mareykanka.

4-tii Bishii febraayo sannadkii 2022-ka Pentegonka Mareykanka oo soo xiganaya guddi qaabilsan Maxaabiista Mareykanka ayaa sheegay, in Qassaan uu ku xiran yahay si sharci darro ah, islamarkaana loo baahan yahay in lasii daayo, uusanna wax qal qal galin ah ku heynin amniga dowladda Mareykanka, ayna qalad tahay in lasii heysto oo uu kusii jiro xabsiga Guwantanamo Bey.

XafiisKa dib ahaajinta joogtada ah ee dowladda Mareykanka ayaa ku taliyay, in Qassaan Al-Shirbi xabsiga laga sii daayo, islamarkaana laga raro Mareykanka, iyadoo la ilaalinato tallaabooyinka amniga ee ay kamidka yihiin la socda xairyaadaha safarrada iyo is dhaafsiga macluumaadyada joogtada ah.

21-kii bishii Sebtember ee sannadkii 2022-ka, wasiirka difaaca ee dowladda Mareykanka  Lloyd Austin ayaa golaha Congress-ka ku wargaliyay inuu doonayo, in Qassaan Al-Shirbi uu ku wareejiyo Maamulka Aala-Sucuud, kadib wadatashi dhex maray labada dhinac, kaas oo ugu dambeyn lagu dhameystiray dalabaadka wareejinta  ah.

“Dowladda Mareykanka waxay qadarineysaa rabitaanka boqortooyada Sucuudi Carabiya, iyo saaxiibadeena kale, kuwaas oo sida joogtada ah noogu taageerayo sidii maxaabiista dib loogu celin lahaa dalalkooda, sidoo kalena albaabada la isugu dhifan lahaa xabsiga Guwantanamo” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda difaaca ee dowladda Mareykanka.

Guddiga dabagalka Maxaabiista Mareykanka ee magaciisa loosoo gaabiyo RRB wuxuu ka kooban yahay min hal sarkaal oo sare, kuwaas oo ka kala socda Waaxaha Difaaca, midda Amniga Gudaha, waxa loogu yeero wasaaradda Cadaaladda, iyo Gobolka, oo ay weheliyaan Taliyeyaasha Isku-dhafka ah ee Shaqaalaha iyo Xafiiska Agaasimaha Sirdoonka Qaranka ee dowladda Mareykanka.

Waaxda difaaca ee dowladda Mareykanka ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku sheegtay, in waqti xaadirkaan ay xabsiga Guwantanamo ku xiran yihiin 31 ruux, kuwaas oo 17 kamid ah loo diyaariyay sidii dib loogu celin lahaa dalalkooda, halka qaarkoodna ay wajahayaan eedeymo kala duwan, kuwaas oo la qorsheynayon in iyagana loo wareejiyo xabsiyo kale oo aad loo ilaaliyo oo ay gacanta ku heyso dowladda Mareykanka.

Hadaba waa kuma Qassaan Al-Shirbi ee hadda laga sii daayay xabsiga sumcadda xun ee Guwantanamo Bey, laguna wareejiyay Maamulka Aala-Sucuud?.

Qassaan Al-Shirbi ayay warbixinnadu tilmaamayaan inuu kulliyada Hansada kasoo bartay jaamacadda duulista hawada ee ku taalla gobolka Arizona ee galbeedka Maraykanka, waxaana la sheegaa inuu uu fasallada duulimaadka la galay laba sarkaal oo ka tirsan Mujaahidiinta Al-Qaacida oo afduubtay diyaaradihii loo adeegsaday weerarkii 11-kii September.

Kolkii hore waaxda difaaca ee dowladda Mareykanka ayaa Qassaan Al-Shirbi iyo maxaabiis kale usoo jeedisay eedeynmo kala duwan, balse waxaa eedeymahaasi laga noqday sannadkii 2008-dii, wuxuuna tan iyo xilliigaasi ku jiray xabsiga Guwantanamo ee ku yaalla gacanka Cuba, waxa uuna sifo ahaan watay dagaalyahan cadow ku ah Mareykanka.

Xaaladda Qassan ayaa tan iyo sannadkii 2022-ka waxa ay aheyd mid mugdi ku jirtay, madaxda Mareykanka ayaanan usoo jeedin eedeymo horseedi kara in maxkamad lasoo taago, ama ay qaataan go’aan xabsiga looga sii deynayo maxbuuskaan, maadaama lagu waayay wax cadeymo ah.

Balse waxay xaaladdu si lama filaan ah isku badashay bishii febraayo ee sannadkii 2022-ka, kolkaas oo ay waaxda difaaca ee Mareykanka soo saartay qaraar dib u eegis loogu sameynayo dalabaadka la xiriira in xabsiga laga sii daayo maxbuuskaan, waxayna kolkaas go’aankeeda ku sheegtay, in ninkaan uusan wax lug ah ku laheyn Jamaacaadka Jihaadiga ah, in muddo ahna uu si sharci darro ah ku xiran yahay.

Guddiga dabagalka Maxaabiista ee Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay, in Qassaan Al-Shirbi uu wajahayo dhibaatooyin xagga jir ahaaneed iyo caqliga ah intaba, kuwaas oo aan la xadidin heerka ay gaarsiisan yihiin, isagoo sidoo kale xusay in Maxbuuskaan uu qeyb ka noqon doono maxaabiis lagu eedeeyay iney katirsan yihiin Jamacaadka Jihaadiga ah oo dowladda Mareykanka ku wareejisay Maamulka Aala-Sucuud.

Guwantanamo ayaa ah Xabsi sumcad daran oo ku yaala dalka Cuba, waxaana la furay wixii ka dambeeyey dagaalkii Mareykanku ku qaaday Afqaanistaan sanadkii 2001, sawirro iyo muuqaallo laga keenay gudaha Xabsigaasna waxay muujinayaan Tacadiyada xoogan ee ciidamada Mareykanku kula kacayaan Muslimiinta.

Inkastoo badi dadkii Muslimiinta ahaa ee ku xirnaa xabsigaan sumcadda xun laga sii daayay halkaas, haddana waxaa jira tiro kale oo Muslimiinta kamid ah, kuwaas oo wali wajahaya tacdiibka iyo dhibaatada daran ee kaga imaaneysa dowladda Mareykanka.

Qaar kamid ah maxaabiistii laga sii daayay xabsigaan ayaa warbixinno iyo Muuqaallo ay baahiyeen waxay kaga hadleen dhibaatada ka jirtay xabsigaas sumcadda xun, iyadoona qiyasooyinka ay soo wariyeen ay kamid tahay, in sabarka, dhaqan wanaaga iyo dulqaadka Muslimiinta ay kusoo islaameen qaar kamid ah ciidamada Americanka ah ee ka qeyb qaadanayay tacdiibka Maxaabiista Muslimiinta ah.

Dhageyso Warbixin Maxbuus kasoo jeeda dhulka Xarameynka oo 21-sano kadib laga sii daayay xabsiga sumcadda xun ee Guwantanamo Bey.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.