Mujaahidiinta Oo Howlgallo Ka Dhan Ah Ciyaal Weerada & Daroogadeystayaasha Ka Fuliyay Muqdisho.

1-Degmada Yaaqshiid

Ciidamada Mujaahidiintu waxey beegsadeen goob lagu isticmaala daroogada noocyadeeda kala duwan, Goobtaas oo ay ku sugnaayeen Ciyaal weero, iyo Tuugo.

Howlgalkan waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday ku dhawaad 10 ruux oo isugu jirta ciyaal weero, Tuugo iyo kuwii ka ganacsanayay daroogada.

Isla goobtan goob u dhaw oo iyaduna daroogada lagu iibiyo laguna keydiyo ayey ciidamada Mujaahidiintu weerareen, Waxey Mujaahidiintu gabi ahaan dab qabadsiiyeen goobta daroogada lagu iibinayay.

Isla Degmada Yaaqshiid gaar ahaan xaafada Baar-ayaan waxaa lagu dilay nin ka mid ahaa horjoogayaasha maandooriyaha noocyadiisa kala duwan soo galiya magaalada Muqdisho kaasi oo lagu magacaabi jiray Qaliirow.

2-Degmada Dayniile.

Howlgal Igtiyaal ah oo ciidamada Mujaahidiintu ay ka fuliyeen xaafada Raadeerka waxey ku dileen nin lagu magacaabi jiray Cabaas oo ku magac dheeraa Saay-ga kaasi oo ka mid ahaa horjoogayaasha ciyaal weerada dhibaatada ku heysa shacabka Muqdisho.

Xilligii ninkan la dilayay waxa uu ku labisnaa funaanad ay ugu buufsantahay Gaangistarka Xaafada Siisii.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.