Qarax Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Degmada Afgooye Iyo Warar kale.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa askar ka tirsan ciidanka DF lagu gaarsiiyay qarax xooggan oo ka dhacay gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidamada guutada qaraxyada ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa qarax culus la eegtay goob ay ku sugnaayeen askar ka tirsan dowladda Federalka, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday 5 askari.
Sida ay xaqiijiyeen ilo mas’uul ah ugu yaraan 2 askari oo DF ah ayaa lagu dilay qaraxaasi waxaana sioo kale dhaawacyo kala duwan ku noqday 3 askari.
Dhanka kale faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal lagu jebiyay maleeshiyaadka Mareykanka uu ku shaqeysto ee Bangaraaf kaas oo xalay iyaga iyo militariga Al-Shabaab ku dhexmaray agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.
Xoga aan helnay ayaa xaqiijinaya in dagaalkaasi lagu dilay 2 askari oo ka tirsanaa murtasaqada Bangarafta sidoo kalena lagu dhaawacay 2 kale.