Howlgallo Isugu Jira Qarax, Weeeraro Iyo Toogasho Oo Xalay Dhacay Banaadir & Sh/Hoose.

Askarta Al-Shabaab

Weerar qarax loo adeegsaday ayaa xalay lagu qaaday Gudoomiyaha demada Dharkenley ee Maamulka Gobalka Banaadir ee Dowladda Federaalka ah.

Ninkaan ayaa ka badbaaday qaraxa oo ay la beegsatay Xarakada Shabababul Mujaahidiin waxaana uu deganaa  oo gurigu ku yaalaa isla degmada Dharkeynley.

Dhanka kale Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahdiin ayaa xalay weeraro ka fuliyay gobalka Shabeelaha hoose, kuwaasoo lagu beegsaday ciidamada Dowladda Federaalka ah.

Laba saldhig oo ku kala yaala Laanta buuro iyo Lambar lixdan ayaa waxaa ka dhacay dagaalo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Weerarada ayaa ahaa kuwa qorshaysan waxaana diryanka hubka la is weydaarsanayay laga maqlayay goobo ka baxsan meelaha lagu dagaalamay.

Wixii Khasaare ah ee ka dhashay weeraradaas faah faahin dheer kama anaan helin waxaana xusid mudan in ciidamada la weeraray ka sokow kuwa kale ee ay saaxiibada yihiin ee gobalka dhufeysada ku leh iyaguna keeb la yuurur ahaayeen maadaama ay ka baqeeyn in la soo weeraro.

Geesta kale Xalay Gudoomiye Waxaad ka tirsanaa Maamulka Janaale ayaa lagu dhaawacay magaaladaas waxaana Mas’uuliyadda  sheegatay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Ninkaan ayaa lagu magacaabaa Xasan Nuurow wuxuuna howl galka lagu beegsaday ahaa mid qorsheysan.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.