Ra’iisulwasaarihii Hore Ee DF oo Halis Ka Muujiyay Ciidamada Itoobiya Ee Lagu Soo Celinayo Soomaaliya. (Dhageyso)

Cumar Cabdirashiid Sharma’arke oo muddo dhowr goor ah ra’iisulwasaare kasoo noqday DF ayaa ka hadlay qorshaha uu Mareykanku Itoobiya dib ugu soo celinayo Soomaaliya kadib markii ay fashilmeen dagaaladii dhowr bilood ka hor lagu dhawaaqay.

Isagoo u waramayay warbaahinta dowladda Mareykanka qeybteeda af-soomaaliga ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in ay khatarteeda leedahay go’aanka lagu gaaray in Itoobiya lagu soo celiyo Soomaaliya, arrintan ayuu sheegay iney tahay mid uu ogyahay oo kaliya madaxweynaha DF, islamarkaana aanan la marsiin golaha wasiirada iyo xildhibaanada.

Wuxuu ka shanqariyay ciidamada Itoobiya haddaan loo helin qawaaniin dabraya in ay berri dhici doonto iney dalka sheegtaan iyagoo ku andacoonaya inuu dhiig badan uga daatay.

“Ciidamadaan Atmis aanan ahayn niyoow waa arrin iyadana khatarteeda leh, waa qabaa in waagii dhaweytoo Igad afarta madaxweyne ay halkan ku shireen in arrintaas la gaaray, laakin waxaa moodaa iney ku egtahay madaxweynaha Soomaaliyeed iyo madaxweynahaashaas go’aanka ay gaareen iyo talada ay gaareen aysanna hoos u degin, ciidanka sideedaba soo galaya sharciga ay kusoo galayaan dalka waa in la ogaadaa, haddaan la ogaan oo hadda gole wasiiro iyo baarlamaanka iyo aan la marsiin qof berito dhiig kuu daadiyay waa kula yeelan dalka ma ogtahay” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Sharma’arke wuxuu ku celceliyay in ay khatar weyn ka iman karto hadaan la cadeyn waxa ciidamada Itoobiya ay u imanayaan Soomaaliya, waxa ay qabanayaan iyo tiradooda, hadaan su’aalahaas laga jawaabin waxa uu sheegay in uu halis ku sugan yahay mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed iyo badqabkeedaba.

“Iney sharciyad xeerineyso soo galitaankooda aniga waxay ila tahay ana iney muhiim u tahay mustaqbalkeena iyo badqabkeenaba sideedaba, ciidan oo yacni hadda aanan dee shuruuc ay kusoo galayaan aan jirine dee iska soo galaya anu waxaan qabaa iney leedahay khatarteeda, arintaas waxaan qabaa in uu madaxweynuhu golaha wasiirada geeyo, baarlamaankana la geeyo, tirada inta ay la egtahay ciidanka soo galaya, ma yihiin ciidan lala xisaabtami karo haddii ay khaladaad geystaan mise waa ciidan aan lala xisaabtami karin, waxaasoo dhan waxay u baahan tahay in la qeexo” ayuu mar kale yiri Cumar Cabdirashiid.

Waxaa isi soo taraya durbadiisa dadka walaaca ka muujinaya ciidamada Itoobiya ee uu Mareykanku doonayo inuu kusoo celiyo Soomaaliya kadib markii uu fashilmay ololihii dagaal ee dhowr bilood ka hor lagu dhawaaqay.. Sannadkii 2006 dowladda Mareykanka oo kasoo horjeeda nidaamkii maxkamadihii islaamiga ayaa Itoobiya soo galisay wadanka kolkaasoo ay dumisay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, laakin waxaa ugu dambeyntii xabashida lagu qasbay iney wadanka isaga cararto kadib markii ay dadka Soomaaliyeed ee damiirka leh u babacdhigeen xadgudubkeeda.

HOOS KA DHAGEYSO AMA KA DEGSO

Halkan Ka Degso Hadalka Cumar Cabdirashiid

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.