Ruushka oo dhulka soo dhigay mid kamida diyaaradaha Casriga Mareykanka.(Warbixin)

Diyaarad dagaal oo nuuceedu yahay MQ-9 Reaper, islamarkaana kamid ah diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee dowladda Mareykanka ayaa maalintii shalay lagu soo riday badda madow, tallaabadaan ayuuna taliska ciidamada Mareykanka ku sifeeyay iney ku timid taxaddar la’aan.

Falkaan ayaa dhacay aroornimadii hore ee shalay, kadib markii laba diyaaradood oo laga leeyahay Ruushka ay sameeyeen faragalin xagga hawada ah oo aan aamin aheyn, taas oo ka dhan ah diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee dowladda Mareykanka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee qaaradda Yurub.

Jaranaal masuul ka ah ciidamada cirka Mareykanka ee Mnadiqadda oo bayaanka ku xusnaa ayaa yiri “Diyaaraddeenu waxay ahed mid ku guda jirtay howlaheeda shaqo ee joogtada ah, marka laga hadlayo majaalka duulista hawada ee dowliga ah, kadib waxaa beegsatay diyaarad laga leeyahay Ruushka, taas oo sabbatay iney gabi ahaanba bur burto oo la waayo diyaaradda.

“Runtii falkan aan badbaadada lahayn ee Ruushku ku kacay ayaa sababay in labada diyaaradood ay isku dhacaan, diyaaradaha Maraykanka iyo xulafada ayaa sii wadi doona inay ka hawlgalaan hawada caalamiga ah, waxaanu ugu baaqaynaa Ruushka inay si xirfadaysan oo badbaado leh u dhaqmaan.” ayuu sidoo kale yiri sarkaalkaan Americanka ah.

Xukuumadda Washinton ayaa si aad ah u cambaareysay falkan ka-fiirsasho la’aanta ah ee Ruushka ku dhaqaaqay sida ay hadalka u dhigtay, waxayna ku dhawaaqday inay u yeertay safiirka Ruushka u fadhiya Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka si ay u muujiso diidmadeeda adag ee ku aaddan hab dhaqanka Ruushka.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka Ned Price ayaa u sheegay warfidiyeennada, in safiirka Maraykanka u fadhiya Moscow uu sidoo kale warqadda diidmada iyo cambaareynta Washington uu u gudbiyay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka John Kirby ayaa u sheegay suxufiyiinta in faragelinta Ruushka ee Mandiqadda ay tahay wax caadi ah, balse tani ay ka duwan tahay arrinkaas, maadaama uu sheegay iney ahayd mid aan ammaan ahayn, xirfad-darro iyo taxaddar la’aanna ah.” sida uu hadalka u dhigay.

Xukuumadda Moscow ayaa dhankeeda ka hadashay arrinta ku aaddan iney iyaga soo rideen mid kamid ah diyaaradaha ugu casrisan ee dowladda Mareykanka, taas oo lagu bur buriyay badda Madow.

Wasaaradda difaaca ee dowladda Ruushka ayaa bayaanaad ay soo saartay waxay ku sheegtay, iney in muddo ah ku daba jirtay diyaaraddaan aan duuliyaha laheyn ee laga leeyahay Mareykanka, oo ku sugneed badda madow, kuna wajahnayd xadka Ruushka, iyadoo la xiray nidaamka aqoonsigeeda.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in goobta ay ku sugnaayeen diyaarado dagaal oo ay leeyihiin Ciidanka Difaaca Cirka ee dowladda Ruushka si loo ogaado waxa ay tahay diyaaradda.

Waxa ay tilmaantay in diyaaradahooda dagaalka aysan isticmaalin wax gantaallo ah oo lagu soo riday diyaaraddda, islamarkaana aysan la xiriirin diyaarada aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka, iyadoo carabka ku dhifatay in soo dhicista diyaaradda ay timid kadib markii ay badda dusheeda iskula dheceen diyaarad kale oo uu Ruushku leeyahay, ka gadaal markii ay sameeyeen dhaq dhaqaaq xoogan.

Warbaahinta qaar ayaa soo tabineysa in Khasaare uu ka dhashay diyaarado laga leeyahay Mareykanka iyo Ruushka oo isku dhacay.

Diyaarad dagaal oo laga leeyahay dalka Ruushka ayaa ku dhacday mid ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka, taasoo keentay in diyaarada Mareykanka oo aan cidi wadin ay ku burburto badda madow, sidaas waxaa tabinaya qaar kamid ah warbaahinta.

Hadaba maxaan ka naaqaanaa diyaaradda MQ-9 Reaper ee kamidka ah diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee dowladda Mareykanka?

Diyaaradda Ruushku uu Mareykanka kasoo riday ayaa qiimaheeda lagu sheegay 16 Milyan oo dollar nuuceeduna waa MQ-9 Reaper, tani ayaana noqoneysa tallaabadii ugu horreysay oo nuucaan ah, islamarkaana ay qaado dowladda Ruushka.

Drone-ta MQ-9 ayaa lagu tiriyaa iney kamid tahay diyaaradaha ugu casrigan ee aan duuliyaha laheyn ee uu leeyahay Mareykanka, waxayna leedahay tilmaamooyin sare oo xagga Tecnoilajiyada ah, iyadoona awood u leh iney ka howlgasho goobaha dagaalka.

Diyaaraddaan ayaa ah nuuc cusub oo adeegsigeeda la billaabay sagaashamaadka qarnigii tagay, waxayna awood u leedahay arrimo la xiriira daba galaka, basaasidda, baaritaannada iyo howlaha bad baadinta ah, iyadoona sidoo kale awoodda iney goobaha dagaalka ka geysato kaalin lixaad leh marka loo eego sawaariikhda casriga ah ee ku rakiban diyaaraddaan.

Ciidamada Cirka ee Mareykanka ayaa qandaraas la galay sharikad uu leeyahay General lagu magacaabo Atomics, si ay u dhisaan in ka badan 360 diyaaradood oo nuucaan ah ah tan iyo markii barnaamijkan la bilaabay sannadkii 2007-dii, midkiiba waxa uu ku kacayaa ilaa 30 milyan oo doolar, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hey’adda Cilmi-baarista Kongareeska Mareykanka sannadkii lasoo dhaafay.

Howlaha ay qabatay diyaaraddaan waxaa kamid ah iney ka soo howlgashay wadamada Ciraaq, Afghanistan, Suuriya iyo dalal kale, ciidanka Mareykanka ayaana diyaraddaan waxay uga dhigan tahay midda ugu badan ee ay adeegsadaaan.

Warbixinnada qaar ayaa sheegaya in diyaaraddaan Drone-ka ah loo adeegsaday dilka hogaamiyihii Shiiciga ahaa ee qaasim Suleymaani, kaas oo lagu dilay Magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq.

Wargeyska Washinton Post ayaa warbixin uu daabacay waxa uu ku sheegay, in hawlgalka diyaaraddan ay meel fog ka fuliyaan laba kooxood oo ku kala sugan ilaa 20 saldhig oo ku kala yaalla 17 gobol oo katirsan dalka Mareykanka, waxaana koox ka mid ahi ay howshoodu tahay gacanta ku hayta diyaaradda, halka kooxda labaadna ay ku shaqo leedahay hubka ku rakiban diyaaraddaas.

Dhirika diyaaradda MQ-9 ayaa waxa uu gaarayaaa 11 mitir, xawaaraheeda gaaaban ayaana ah 300 oo KM, waxayna diyaaraddaan awood u leedahay iney isaga kala gudubto masaafo dhan 2,000 oo KM iyadoo aan shidaal kale qaadan, waxayna leedahay tilmaamooyin kale oo ay kaga hormarsan tahay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee ay soo saaraan dowladaha caalamka.

Xukuumadda Moscow ayaa dagaal adag kula jirta dowladaha reer galbeedka oo uu Mareykanku ugu horreeyo, waxayna xiisaddu ka dhex qaraxday wixii ka dambeeyay markii uu Ruushku duullaan ba’an ku qaaday Ukraine, kaas oo lugaha la galay sannadkii labaad oo xiriir ah.

Dhageyso Warbixin Dowladda Ruushka oo markii ugu horraysay Mareykanka ka burburiSay diyaarad casri ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.