Saraakiil Iyo Ciidan Dhimasho & Dhaawac Ku Noqday Qarax Ka Dhacay Muqdisho.
Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka helayaa qarax geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo magaalada Muqdisho lagula eegtay gaari ciidan oo ay wadeen askar katirsan ciidanka DF.
Wararka ka imaanaya degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in gudaha degmadaas qarax culus lagula beegsaday gaari Cabdi bile ah oo ay saarnaayeen saraakiil iyo ciidan katirsan dowladda Xasan Gurguurte, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray xubnihii la socday gaariga la qarxiyay.
Qarax oo burburiyay gaariga uu haleelay ayaa inta la ogyahay waxaa ku naf waayay 2 askari oo DF ah halka ay ku dhaawacmeen 3 kale oo laba kamid ah ay yihiin saraakiil ciidan oo midkood lagu magacaabo Xassan Baraawe.
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan qaraxa loo adeegsaday ee khasaaraha nafeed lagu gaarsiiyay saraakiisha iyo askarta DF Soomaaliya.
Waxaani maciidanbaa. Waa mooryaan lasharciyey oo tuute loogaliyey si ay dadkooda udhacaan.ninka cadow dilayo ayaa dalka leh. Ninka cadowgu ka danbeeyana waa ninka cadowgu idiin adeegsado ileen cadowgu af somali Kuma hadlo.