Tababare Ciidan Oo Xalay Lagu Dilay Xamar & Weeraro Ka Dhacay Gedo (Dhageyso)..

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay iyo saakay waxay weeraro ka fuliyeen qeybo kamid ah gobollada Banaadir iyo Gedo, kuwaas oo lagu beegsaday askarta shisheeye iyo kuwa DF.

Rag hubeysan oo Al-Shabaab ah ayaa xalay xaafada Gubta ee degmada Dayniile waxay ku khaarijiyeen tababare ciidan oo ka tirsanaa tababaraaysha ciidanka Booliska DF, kaas oo lagu magacaabi jiray Saacid.

Sidoo kale ciidanka Mujaahidiinta waxay saaka kadib dukashadii salaada Subax dagaal culus ku qaadeen xarunta maamulka deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana halkaas ka dhacay dagaal xooggan oo khasaare lagu gaarsiiyay ciidankii halkaasi ku sugnaa.

Dhanka kale Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay habeenkii xalay dagaallo saf ah ku qaadeen xarumo kala duwan oo ciidamada Xabashida Itoobiya iyo kuwa DF ay kaga suganyihiin gudaha degmada Baardheere.

Halkaan Ka Dhageyso Faafaahin Dheeraad ah oo ku Saabsan Weeraradaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.