Daawo: Waa Maxay Xogta Ay Al-Shabaab Ka Bixiyeen Ciidamada Itoobiya Ee Dib Loogu Soo Celinayo Soomaaliya?
Muxuu Sheekh Cali Dheere Ka Yiri Sababka Ciidanka Itoobiya Loo Soo Celinayo?
Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sh/Cali Dheere) ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadlay qorshaha duullaan cusub oo la damacsan yahay in Soomaaliya lagu soo qaado iyo waxa dhankooda uga qorsheysan. Wareysi muuqaal ah oo uu siiyay Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-furqaan oo la baahiyay qeybtiisa koowaad ayaa waxa uu ku sheegay in dagaalka waayahanba lagu soo qaadayay Soomaaliya uu yahay mid uu calanka u sido Mareykanka kaasoo lagu doonayo in meesha looga saaro ku dhaqanka shareecada islaamka.
Wuxuu hoosta ka xarriiqay in uu fashilmay ololohii duullaan ee ugu dambeeyay oo cir iyo dhul ahaa islamarkaana ay ka qeyb qaadanayeen dowladaha Nato qaarkood sida Mareykanka iyo Turkiga, wuxuuna caddeeyay in dagaalyahanada Al-Shabaab ay DF kaga dileen dagaalada saraakiil badan oo loo diyaariyay iney shaqeeyaan sodomeeyada sano ee soo socda, hubkoodii iyo gaadiidkoodiina ay ka dhigeen wax ay gubaan iyo wax ay la wareegaan oo gacantooda soo gala. Sheekh Cali Dheere wuxuu sheegay in fashilkaasi kadib ay xog sirdoon ku heleen qorshe uu Mareykanku dagay oo ah in ciidamada Itoobiya dib loogu soo celiyo Soomaaliya oo ay cadaawad fog kala dhaxayso.
“Xamlada wajigeedii hore markuu fashilmay oo Murtadiintu wax tari waayeen oo ciidamadii uu soo tababaray wax tari waayeen oo diyaaraduhu meydaanka wax ka tari waayeen, markaan wuxuu qaatay Mareykanka in uu Itoobiya dib usoo celiyo, marka wajiga 2-aad ee hadda la sheegayo cidda lagu tashanayaahi oo la rabo in dalka lagu soo celiyo waa Itoobiya, Itoobiyana waligeed qorshaha ay gaaladu ku taami jirtay wuxuu ahaa in ay Soomaaliya liqdo oo Soomaaliya dhammaanteed ay noqoto dal ka tirsan Nasaarada Itoobiya” ayuu yiri:
Wareysiga qeybtiisa koowaad oo la taaban karo qadar 29 daqiiqo ah ayaa waxaa uu kusoo bandhigay arrimo badan oo daahsoon oo ku aadan waxa dalka ka socda iyo ahdaafta shisheeyaha.
Linkiga Hoose Ka Daawo Wareysiga
Ama Linkigan Kala Deg Wareysiga oo Dhameystiran
Afka way u dhacayaan kufrigan ajashu hay saaye
Haday abuu riqaal keen sadaan amase ey waashay
Amriikaan haduu tababaroo aarmi badan siiyo
Haduu aw ridoobiyo fansalakh been iftaa dhiibo
Haday ehelu naaroo dhaniyo cadaw iskaal maysto
Alaah iyo awoodiisa baan abid nakaal mayne
Malaaiik awaamiir siduu Eebe soo diriye
Araxday kufriga kala jariyo adima diisiiye
Aamiin u dhaha tuug madaan Eebahay jirine
Ilaahow adaa uun kan lehiyo amar kutaad layne
Adigaa awood badan lohoo aadmi kaa baqiye
Afka jabi adimahana qabo gaal idayl kiisa
Iyo murtad ilaah diiday iyo Eebow amar kaaga
Rabow araxda jabi gaal kibroo inagu aab yooday