Weerar Lagu Dilay Askar Itoobiyaan Ah Oo Xalay Ka Dhacay Gobolka Bakool.
Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal culus oo xalay lagu beegsaday saldhig ciidamada Xabashida Itoobiya ay ku leeyihiin degmo ka tirsan gobolka Bakool ee koonfur galbeed dalka Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya degmada Waajid ayaa ku waramaya in xalay ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerar culus ku ekeeyeen xarada Xabashida haysata degmadaasi, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.
Sida aan xogta ku helnay ciidamada Mujaahidiinta ayaa dhowr jiho ka weeraray xerada Xabashida, waxaana inta la xaqiijiyay dagaalka lagu dilay 4 askari oo kamid ahaa ciidankii ku sugnaa xerada Xabashida ee weerarka lagu miray.
Militariga Al-Shabaab ee ka howlgala wilaayada Bakool ayaa marar badan dagaallo culus ku beegsaday askarta Xabashida Itoobiya ee xoogga ku heysta qeybo kamid ah degmooyinka gobolka, waxaana dagaaladaasi ka dhashay khasaare lixaad leh oo soo gaaray ciidanka Xabashida iyo maleeshiyaadka Soomaaliya ah ee carratuurka ay ka dhigteen.