WEERARADI UGU DMABEEYAY OO SHISHEEYAHA KA DHAN AH.

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday ciidanka Kenya ee haysta deegaanka Taabto ee gobalka Jubbada Hoose

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa muddo halkaa ka socday wixii khasaaraha ah ee kenyaatiga gaarana war lagama helin.

Dhinaca kale shalay gobalka Shabeellaha Hoose gaar ahaan degaanka Shalanbood waxaa qaraxyo lala beegsaday qaar ka mid ah ciidamada shisheeye oo ku howlanaaa dhir jarid iyo wada falid waxaana halkaa looga gubay gaari Katarabiil ah waxaana la soo sheegayaa in dhimasho iyo dhaawacba jiraan walow faahfaahin badan aanan laga helin.

Dhanka dhulka Soomaaliyeed ee Kenya gumeysato habeen hore ciidamada Mujaahdiintu waxay weerar ku qaadeen fariisin ciidanka Kenya ku leeyihiin degaanka  Ceelraamo oo hoostaga degmadda Ceelqaalow ee gobolka Mandheera waxaa lagu dhaawacay 2 askari waxaa gubtay guri xerada ugu dhex yiillay Kenyaatiga.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.