Weeraro Lagu Dilay Askar ka Tirsan Dowladda Federaalka ah Oo Ka Dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaaahidiin ayaa xalay weerar ku qaaday ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Fariisinka ku leh dhufeysyada Haanta dheer iyo Mukayga oo ku yaal magaalada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose.

In mudda ah ayuu halkaa dagaalku ka socday iyadoo la isku waydaarsaday hub kala duwan laakiin faah faahin dheeri ah kama anaan helin wixii ku naf waayay.

Sidoo kale Saacadihii la soo dhaafay ciidanka Al-Shabaab waxay weerareen ciidan Dowladda Federaalka ka tirsan oo isbaaro u tiil tuulada Shareey oo hoos tagta degaanka Warmaxan ee Isla Shabeelaha Hoose,

Ugu yaraan hal askeri ayaa Dowladda Federaalka ah looga dilay dagaalkaas oo halkaa mudda ka socday sida aan xogta ku helnay.

Askarta Federaalka ayaa goobta ka cararay waxaana ciidanka Mujaahidiinta ah bur buriyeen gebi ahanba Isbaarada lagu dhibaateynayay Bulshada Muslimiinta ah.

Marar badan oo hore sidaan oo kale Ccidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay weerareen oo laayeen ciidamo isbaarooyin u yiileen oo umadda dhac iyo dhibaato kale ku hayay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.