“Weerarkii Saakay Waxaan Ku Dilay 89 Askar & Saraakiil Isugu Jirta’.(Abuu Muscab)
Taliska ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa goordhaw faahfaahin ka bixiyay weerarkii cagmarinta ahaa ee saakay ka dhacay degaanka Jannaay Cabdalle ee duleedka Magaalada Kismaayo.
“Ciidamada Mujaahidiintu waxay saakay oo Talaado ah weerar lixaad leh ku qaadeen saldhiga ciidamada ridada ah ay dhawaan ka samaysteen deegaanka Janaay cabdalle ee duleedka degmada Kismaayo.
Halkaas waxaa ku sugnaa ciidamo kala duwan oo kuwa ridada ah sida kuwa Maraykanku leeyahay ee Danab loogu yeero, kuwo Imaaraatka u shaqeeya, kuwa maamulka ridada ah ee Jubaland loogu yeero iyo qaar hoostaga murtadiinta loogu yeero federaalka .
Weerarka oo billawday xilligii salaada Fajarka waxaa ay ciidamada Mujaahidiintu dhawr jiho ka weerareen fariisimayaasha cadawga ee Janaay cabdalle, waxaana Ilaahay mahadiis dagaal xooggan kadib ciidamada Tawxiidka u suurtagashay inay jebiyaan maleeshiyadii ridada, ayna si buuxda gacanta ugu dhigaan saldhigii ridada ee Janaay cabdalle. Sidoo kale ciidamada Mujaahidiintu waxay dagaal kala hortageen ciidamo murtadiin ah oo ku sugnaa deegaanada Baar-sanguuni, buundada Daariq, Siin-gallayr iyo Yoontooy kuwaas isku deyay inay u gurmadaan murtadiinta lagu weeraray Janaay cabdalle. Khasaaraha dhimashada ee cadawga soo gaaray inta hada aan ognahay waa 89 iskugu jirta askar iyo saraakiil.
Sidoo kale waxaa ay ciidamada Mujaahidiintu gacanta ku dhigeen dhamaan gaadiidkii dagaal ee cadawga u yaallay saldhiga Janaay cabdalle kuwaas oo tiradoodu ahayd 20 gaari. Waxaa iyaguna jira hub iyo saanad ciidan oo aad u farabadan oo ay ciidamada Mujaahidiintu gacanta ku dhigeen. Faahfaahin intaas ka badan dib ayaan kasoo gudbin doonaa insha-Allaah”.
Waxaa sidaasi lagu yiri war uu ku saxiixnaa Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab, Afhayeenka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.