Weeraro Midkood Sarkaal lagu dilay oo Muqdisho ka dhacay
Howlgal qorsheysan oo Xalay Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ay ka fuliyeen degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho waxay ku dileen sarkaal la oran jiray Basbaas kaasi oo ahaa taliyihii Baraha Koontaroolada ee Degmada Cabdi Casiis..
Isla Xalay Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay qarax miinola beegsadeen saldhig Galbeedoo ku yaalla degmada Dharkenley kaasi oo sababay burbur soo gaaray qeybo ka mid ah dhismaha saldhiga.
Howlka sadaxaad waxa uu ahaa weerar toos ah oo ciidamada Alshabaab xalay la beegsadeen Fariisin Ciidamada Dowladda Federaalku ku leeyihiin Xaafadda Shiraaye ee Degmada Dayniile.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu ahaa mid culus oo halkaa mudda ka socday in kastoo anaan helin khasaarihii la gaarsiiyay Ciidamada la weeraray.