20 askeri oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday dagaal Maanta ka dhacay Duleedka Degaanka Bud bud ee Gobalka Galgaduud.
ugu yaraan 20 askeri oo ka tirsanaa Dowladda Federaalka ah auaa Dhimasho iyo dhaawac ku noqday Dagaal Maanta ka dhacay Afaafka hore ee Degaanka Bud bud ee Gobalka Galgaduud kadib Markii Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin weerar ku ekeeyeen Ciidmamada Dowladda Federaalka ah oo halkaa Shalay Gaaray dhaqdhaqaaqyana ka waday,
11 askeri ayaa geeridooda la xaqiijiyay kuwaasoo uu ku jiro Sarkaal Taliye Urur ahaa oo ka tirsanaa Ciidamada Danab ee Maraykanku leeyahay Balse in Dowladda Federaalka ay ka mid yihiin la sheego kaasoo lagu Magacaabi jiray Cali Nuur.
Sidoo kale sagaal Askeri ayaa la xaqiijyay in Dowladda Federaalka dagaalka looga dhaawacaywaxana xabadu bilaabatay xilli qoraxdu soo kululaaneysay.
waxaa xusid mudan in afar ka mid a askarta la dilay Meydadkooda laga cararay kadib markii Ciidanka Federaalku u adkeysa waayeen xabadda uga imaanaysay dhanka Xaraakda Shabaabul Mujaahidiin oo tiimbad ugu soo roorayay halka cadawgoodu gabaadka ka dhiganayay.
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa dagaalka ku furtay laba qor oo mid yahay daba jeex midka kalena uu yahay RPG kaasoo ay ka dhacaan gentaalaha garbaha laga geno.
Dhinaca kale Dagaal ayaa Maanta ka dhacay Degaanka Cali Yabaal oo hoos taga Degmada Ceeldheer ee isla Gobalka Galgaduud kadib markii ay foodda is dareen Ciidanka Xarakada Shabaabul Mujaahdiin iyo kuwa Dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Turkigu tababaray ee Gor gor loo yaqaan oo dhawaan Cali yabaal soo gaaray iyagoo dhanka Ceeldheer ka yimid.
Ciidamada Alsabaab ayaa la sheegay in ay weerarka qaadeen waxaana jira baan maqalnay Khasaare soo gaaray Ciidanka Dowladda Federaalka ah balse faah faahin buuxda kama anaan helin.