Degmada Galhareeri Oo Si Heer Sare Ah Looga Oogay Munaasabadda Ciidul Fidriga
Magaalada Galhareeri ee wilaayada islaamiga ah ee Galgaduud ayaa kamid ah goobaha maanta sida wanaagsan looga ciiday.
Boqollaal dadweyne ah oo isuga jira qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa isugu soo baxay musallaha weyn ee degmada Galhareeri Waxay halkaasi ku oogeen labada rakco ee salaada Ciidul Fidriga ee sanadka 1444H.
Dadweynaha fagaaraha isugu soo baxay waxaa ku jiray caruur aad u qurux badan, dumar iyo rag, waxaana dadka wejiyadooda ka muuqday farxad aad u sarreysa.
Hoos ka daawo sawiradda sida looga ciiday degmada Galhareere