DEG DEG KU DHAWAAD TOBAN ASKERI OO LAGU DILAY DAGAAL GALGADUUD KA DHACAY.

Askarta Al-Shabaab

Dagaal Maanta ka dhacay ciirifka koofureed ee Gobalka Galgaduud ayay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay ku dishay ku dhawaad tpban askeri oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka ah gaar ahaana kuwa Turkigu tababaray ee Gor gor loogu yeero.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa xaqiijisay in ay Degaanka Gal libaax oo hoos taga Degmada Galcad  ee Gobalka Galgaduud balse soo xiga dhanka Shabeelaha dhexe ay ku   dishay 8 askeri ayna ka furutay 4 qori oo nooca aakaha ah.

qaar ka mid ah askarta Federaalka ayaa xogtu sheegeysaa in ay dagaalka lagu dhaawacay welow aanaan helin inta tiradoodu ay la eg tahay.

askarta la laayay iyo saaxiibadood ayaa maqlay xog la xariirta in Alshabaab Degaanka ku sugan yihiin waxaanay isku dayeen in ay soo aadaan laakiinsi waxay la kulmeen kamiin si heer sareysa loo qorsheeyay kaas oo sababay khasaarahaan dhimashada iyo dhaawaca leh.

Ciidamada jidka loo galay ee Dowladda Federaalka ah ayaa cagaha wax ka dayay waxaanay  goobta uga tageen Meydadka saaxiibadood kuwaasoo halis ugu jira in dugaagu feento.

Shalay ayay ahayd Markii qarax ka dhacay Duleedka Degmada Galcad Dowladda Federaala ah looga dilay ugu yaraan shan askeri sadax kalena looga dhaawacay kaasoo Mas;uuliyadiisa ay sheegatay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin,

sidoo kale Dorraad Qarax ka dhacay Duleedka Ceel Cali Axmed oo ka tirsan Shabeelaha dhexe balse xiga Dhanka Galgaduud waxaa ku naf waayay sadax Sarkaal oo Miino baarayaal ahaa iyadoo dhaawacyana jiraan.

isugu geynta askarta ku nafweyday  dagaalka Maanta iyo kuwa qaraxyada shalay iyo dorraad dhacay lagu dilay ayaa ah 16 qaar Saraakiil yihiin iyo oo ay dheer yihiin kuwo dhaawacyo halis ah la jiifa.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.