Dhegeyso Weeraro Shisheeyaha DF iyo Maamulka Koofur galbeed lagu qaaday.

Ciidamada Xarakada Shababul Mujaahidiin ayaa Xalay Weerar ku qaaday CIidanka Uganda ee ku sugan Degaanka Buur Colow ee Duleedka Magaalada Baraawe ee Gobalka Shabeelaha hoose.

Dagaalka ayaa halkaa muddo ka socday mana helin xog ku aadan haddii ciidanka Shisheeye khasaarooyin soo gaareen.

geesta Xalay Weerar ka dhacay Muqdisho Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Federaalka ah kaa oo la oran jiray Cabdiraxmaan Cali Maxamuud.

weerar isla xalay ka dhacay Magaalada Berdaale ee Gobalka Baay waxaa ku dhaawacmay laba askeri oo ka tirsanaa Ciidanka koofur galbeed iyadoo dhinaca kalena weerar lagu ekeeyay ciidanka Maamulka Koofur Galbeed ee ku sugan Magaalada Diinsoor qaarkood.

Halkaan ka dhegeyso Warbixinta weerarada

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.