Al-Shabaab oo Soo Afjaray Ciidankii DF Ee Budbud Tagay & Dhimashada 00 50 Sii Cagacageeneysa.
Galabka abaaro salaadii casar kadib, weerar culus ayaa waxa uu ka dhacay degaanka Budbud oo hoos taga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud kadib markii ciidamo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay weerareen xero ay ku sugnaayeen kuwa DF.
War hordhac ah oo kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in DF dagaalka lagu gaarsiiyay khasaare lixaad leh oo dhimasho ah islamarkaana laga qabsaday gaadiid iyo hub.
“Dhimashada maleeshiyaatka ridada waa 50 askari oo ay saraakiil ku jiraan, dhaawacana intaas waa uu ka badan yahay, gaadiidka laga qaniimeystay iyo kuwa laga gubay waa 11 gaari, waxay sidoo kale dagaalka Mujaahidiintu ku furteen hub iyo saanad ciidan oo farabadan, Alle ayaana ku mahadsan” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Al-Shabaab.
Sida aan xogta ku heleyo waxaa weerarka lagu daahfuray hawlgal Nafhurnimo ah oo ay daba socdeen ciidamo loo diyaariyay iney xerada dhowr jiho kasoo galaan.
Ciidamada DF ayaa daqiiqdo gudahood noqday wax dhinta iyo wax carara, balse waxay ciidanka Al-Shabaab muddo ku dabajireen askartii goobta ka baxsatay si ay hubka uga soo reebtaan.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in abaaro xilligii maqribkii agagaarka degmada Galcad lagu arkay diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah oo dul-heehaabayay wadada isku xirta Galgac iyo Budbud si ay usoo qaadaan haddii ay arkaan firxadka ciidamada DF.
Ciidamada DF ee maanta la weeraray ayaa degaanka Budbud gaaray muddo 4 maalmood laga joogo, waxaana maanta galinkii hore ka hor inta aan la weerarin halkaasi ugu khudbeeyay Saney Cabdulle oo ah taliyaha guutada afaraad iyo Jacfar oo ah xildhibaan ka tirsan DF.
Saraakiisha ayaa markii ay ciidamada la qadeeyeen u sheegay in ay berri weerari doonaan tuulooyin u dhow degaanka Budbud oo sida ay sheegeen ay isaga carareen ciidamada Al-Shabaab, hase ahaatee ciidan Al-Shabaab ah oo ulihiisa iyo udbihiisa wata ayaa ka duldagay xerada, wax yar kadib markii ay saraakiishu ka tageen degaanka una ruqaansadeen Aadan Yabaal.
Budbud oo muddo 4 maalmood ah aaney shacabku ku sugnayn ayaa waxaa caawa daadsan meydadka ciidamada DF. Askartan ayaa waxaa u badnaa kuwa guutada afaraad waxaana kaabayay ciidamo uu Mareykanku tababartay oo Danab ah.
Weerarka ayaa imanaya iyadoo uu dhawaan Janaraal Biixi, taliyaha ciidanka lugta uu sheegay in aysan mar dambe dhici doonin in xeryahooda lasoo weeraro oo ciidankooda lagu laayo, hubkooda iyo gaadiidkoodana laga furto.
“Arrintaas cashar baanu ka qaadanay iyaguna wey ogyihiin, haddey raganimo leeyihiin hasoo weerareen ciidamadayada meelaha ay ku jiraan wey ogyihiine, waxaanu go’aan ka gaarray ciidan ay soo weerari karaanba inaanaan meel dajin, meesha ugu yar waxaa deggan ciidan aad u tira badan oo halkaan aan tiradiisa ka sheegi karin, sidaas aawgeed ma dhacayso mar dambe in ay u suurowdo, dagaalkooduna waan baranay oo maalin walba khibrad ayaa nooga siyaada” sidaasi waxaa yiri, Janaraal Biixi taliyaha ciidanka lugta ee DF.
Wararka ku aadan dagaalka Budbud ayaa saacadba-saacadda ka dambeysa isi soo taraya, waxaana ilaha qaar ay sheegayaan in khasaaraha ciidamada DF uu ka badan karo inta la sheegay, waayo illaa iyo hadda lama soo tira koobin askarta baacsiga lagu dilay ee degaanka duurkiisa iyo dibadiisa looga daba tagay.
Taliska ciidamada DF ayaa dhankooda xilligii maqribkii soo saaray hadal qoraal ah oo aad u kooban oo ay ku sheegeen iney iska difaaceen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, laakin warka dowladda kasoo baxay laguma beenin kan taliska XSHM ee ku aadan in 50 laga dilay.
Dagaal walba oo ciidamada DF lagu laayo dad weynuhu waa ay ku wareeraan maadaama labada dhinac ay kala sheeganayaan hadallo iska soo hor jeeda, balse waxaa had iyo goor hummaaga meesha ka saarta mu’asasada Al-kataa’ib oo soo bandhigta xaqiiqda wixii dhacay oo maqal iyo muuqaal ah, waana taas midda keentay in wararka laga qaato warbaahinta XSHM.
Comments are closed.