Mas’uul Ka Tirsan Xisbiga Haya Talada Itoobiya oo La Dilay.
Abiy Axmad Aayaa dhankiisa Dareen Murugo Leh Ka Muujiyay Dilka Saaxiibkiis.
Mas’uul sare oo ka tirsan xisbiga maamulada dalka Itoobiya ee la baxay Barwaaqo-sooranka ayaa lagu dilay bartamaha dalka sida ay soo tebinayaan warbaahinada gobolkaas iyo tan magaalada Adisababa.
Mas’uulka oo lagu magacaabi jiray Girma Yeshitila ayaa xisbiga talada haya u qaabilsanaa gobolka Amxaara, waxaana dilkiisu uu dhacay xilli uu safar ku jiray, waxaana lala dilay 5 qof oo kale oo aan wali faahfaahin laga bixin waxa ay ahaayeen.
Maamulka gobolka Amxaarada oo dhankooda soo saaray bayaan degdeg ah ayaa waxay sheegeen iney xaqiijinayaan dilka mas’uulkan Itoobiyaanka ah, hadaladoodana kama muuqan walwal badan oo ku aadan khaarajinta.
Bayaanka waxaa lagu xusay in Yashitila uu kasoo safray halka lagu magacaabo Mahal Meda islamarkaana uu kusii jeeday Debre Birhan, balse waxaa lagu helay oo lagu dilay degaan la yiraahdo Guasa.
Ra’iisulwasaare Abiy ayaa bartiisa Twitter kusoo qoray hadal caro badan laga dareemayo oo ku aadan dhacdadan, wuxuu sheegay in dilka mas’uulkan ay ka dambeeyeen kooxo uu ku sheegay kuwa xagjir ah oo doonayay inuu iyaga ku fakar noqdo.
Siraha ku gedaaman dilka mas’uulkan waxaa ugu weyn inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay in la baabi’iyo ciidanka Liyu Bolis si aysan qowmiyadaha Itoobiya isugu taagin xukuumadda iyadoo markaa laga hortagao wax lamid ah dagaalkii dhex maray dowladda iyo Tigre.
“Girma Yeshitila waxaa lagu dilay degaankii uu ku dhashay, inta badanna uu waqtigiisa iyo waayihiisa kusoo qaatay” sidaasi waxaa sheegay ra’iisulwasaare Abiy Axmad. Meelaha ugu badan ee go’aanka kala dirista Liyu Bolis laga diilay waxaa kamid ah gobolka Amxara.
Hadalka Abiy Axmad ayaa loo fahmay inuu si toos ah dilka ugu tuhmay ismaamulka Amxaarada, isagoo u isticmaalay erayga “xagjir” laakin Amxaarada dhankooda wali kama aysan soo jawaabin.
Itoobiya ayaa u muuqata mid galeysa marxalad adag oo ku aadan baabi’inta ciidanka Liyu Bolis. Wadanka waxaa ku nool qowmiyado aan inta badan isku diin iyo isku dad ahayn, sidoo kalana kala shakisan, cadaawad ballaaranna ay ka dhaxaysa, taas ayaana ah midda adkeeneysa in ay hubka dhigaan Amxaarada iyo Oromada, xilli Tigrega oo la sheegay in hubka laga dhigay lasoo ogaaday iney been tahay oo qowmiyadahan lagu khaldi rado.