Nabadoonada Abgaal oo ah oo sheegay in Xasan Sheekh uusan hogaami karin Beesha uu ka dhashay cid kale iska daaye
Nabadoonka Beesha Owbakar Gaabane oo Beelaha Abgaal ka mid ah Nabadoon Macain Xuseen Fara weyne ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu yahay nin aan Maamul iyo u miyirinta umadda waxba ka aqoon uusanacid kale iska daaye in uu Beesha Abgaal hogaami karin.
waxa uu sheegay in uu yahay nin aan qoyskiisa u filnayn isla markaana qabyaaladu ka buuxdo oo qolyaha ku safka ah u kala eexanaya.
Nabadoon Macalin Xuseen Fara weyne ayaa wareysi ay la yeelatay Idacaadda Islaamiga ah ee Alfurqaan waxa uu ku sheegay in Magaalada Aadan Yabaal dhibaatooyin xoog leh ay wajahayso Tan iyo markii Dowladda Federaalku la wareegtay waxa ugu daran ee laga geystayna ay yihiin in Calanka Towxiidka laga siibay.
waxa uu intaa ku daray in Marki Magaalada ay Maamuleysay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Dadka wanaaga la fara jiray xumaantana lagala diriri jiray laakiin iminka Dowladda Federaalku dadka Wanaaga lagala dagaalanto xumaantana la farto.
Halkaan ka dhegeyso WareysiigaWareysiga Nabadoonka Owbakar Gaabae Macalin Xuseen fara weyne