Qarax Lagu Dilay Qaar Kamid Askartii Laga Keenay Eritrea Oo Ka Dhacay Afgooye.
Qarax dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray ciidamo ka tirsan DF ayaa maanta ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ayaa sheegaya in guutada qaraxyada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay gudaha magaaladaasi qarax culus kula eegatay ciidamo katirsan kuwa DF ee dhawaan laga keenay dalka Eritrea.
Inta la xaqiijiyay 2 askari oo ka tirsanaa ciidankii lagu soo tababaray dalka Eritrea ayaa ku naf waayay qaraxaasi halka 4 kalena ay ku noqdeen dhaawacyo kala kuwan, shalay ayay ahayd markii qarax isla Afgooye ka dhacay lagu dilay 2 askari oo DF ah sidoo kale lagu dhaawacay 3 kale.
Dhanka kale howlgal qorsheysan oo rag ka tirsan ciidamada Al-Shabaab ay ka fuliyeen duleedka magaalada Muqdisho ayay ku khaarijiyeen askari katirsanaa hay’adda NISA ee sirdoonka DF Soomaaliya.
Howlgalkaan oo ka dhacay degaanka Ceelasha biyaha ayaa askariga lagu dilay waxaa lagu magacaabi jiray C/qaadir, kaas oo si gaar ah kaga tirsanaa jawaasiista dharcadka ah ee dhibaatada ba’an ku haaya dadka Muslimiinta ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.